Monday, July 14, 2025

Sarkaal Alshabaab u qaabilsanaa Zakawaadka oo lagu soo bandhigay Duleedka Magaalada Kismaayo [Sawirro]

Sarkaal Alshabab u qaabilsanaa Zakooyinka oo isu dhiibay ciidamada dowladda ayaa lagu soo bandhigay agagaarka duleedka Kismaayo ee Baarsanguuni.

Sarkaalkan ayaa lagu magacaabaa Xuseen Maxamuud oo loo yaqaan Ramadaani, ayaa iskiis isugu soo dhiibay ciidamada dowladda Soomaaliya ee  ku sugan degaanka Baarsanguuni ee Gobolka Jubbada Hoose, waxaana la sheegay inuu madax u ahaa qeyb ka amniyaadka ah ee fuliya dilalka qorsheysan.

Taliyaha howlgalinta Ciidanka Xoogga ee qeybta 43-aad G/sare Ismaaciil Shiikh Isxaaq ayaa sheegay in sarkaalkan Xuseen Maxamuud Ramadaani uu isu soo dhiibistiisa ay keentay khilaaf ka dhex taagan Alshabaab.

Sarkaalka oo iska hadlay ayaa sheegay in uu ka qeyb qaatay dagaalo badan, isla markaana uu go’aansaday inuu isaga baxo Shabaab markii uu xaqiiqdasay inaysan xaq ku jirin.

 

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON