Qarax kale ahaa lala beegsaday Gaari uu watay Sarkaal ka tirsan Ciidamada Booliska Soomaaliya, kaasoo ahaa Miino dhulka loo geliyey, kana dhacay xaafadda Foorilow ee duleedka Magaalada Muqdisho.
Miinada dhulka ayaa oo lagu aasay ku qaraxday gaariga uu watay sarkaalka Booliska oo la sheegay inuu ka badbaaday qarax, kaasoo lagu magacaabo Cabdi Shooshow, waxaana qaraxa ku dhintay qof shacab ah iyadoo askari Boolis ah uu ku dhaawacmay.
Sarkaal Cabdi Shooshow ayaa ka mida saraakiisha ciidamada Booliska ee Muqdisho. AlShabaab ayaa sheegtay inay ka dambeeyeen qaraxa, waana qarixii labaad ee maanta gelinkii hore ka dhaca magaalada Muqdisho iyo agagaarkeeda.