Wednesday, June 25, 2025

Sarkaal ka tirsan Amniyaadka Alshabaab oo Muqdisho lagu qabtay & Booliska oo shaaciyey

Taliska Booliska Soomaaliya ayaa shaaciyey inay qabteen sarkaal ka mida amniyaadka Alshabaab oo ka hwolgala Magaalada Muqdisho iyo shabakad amni darro ka waday caasimadda.

Afhayeenka Ciidamada Booliska Sadiiq Adan Cali (Doodishe) ayaa waxaa uu sheegay in Booliska ay 15-kii June gacanta ku soo dhigeen Xasan Cabdullaahi Salaad oo ahaa sarkaal ka tisan Amniyaadka Al-Shabaab oo hore uga howlgeli jiray gobolka Hiiraan, waxaana lala qabtay laba maleeshiyo, isagoo xaruntiisu ahayd degmada Dharkeynley ee Gobolka Banaadir.

Dhinaca kale Afhayeenka ayaa ka hadlay howlgal Booliska ku burburiyay shabakad ay Al-shabaab ku lahaayeen Ex-kontrool Afgooye ee magaalada Muqdisho, ayna qbateen koox burcad hubeysan ah oo Mooto Bajaaj dhacday, isla markaana dishay darawalkii Mootadaasi.

Wuxuu intaas ku datay in ragga ka mida shabakadda Al-Shabaab ay Isgoyska Ex-koontorool Afgooye ka sameysteen goob dadka looga kireeyo cajaladaha Filimaanta iyo heesaha (Studio), ayna adeegsan jireen mukhaadaraad.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON