Wararka laga helayo magaalada aalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa sheegaya in caawa halkaasi lagu dilay sarkaal ka tirsanaa Ciidamada Daraawiishta Puntland.
Sarkaalka toogashada lagu dilay ayaa lagu magacaabi jiray Qaleey Yuusuf Jiile, wuxuuna ahaa taliyaha Xerada keydint hubka ee bartamaha magaalada Gaalkacyo, taasoo lagu magacaabo Xero Inji.
Koox Bistoolado ku hubaesan ayaa rasaas ku furay sarkaalka oo markaas ku sii jeeday gurigiisa, isagoo ka yimid goobta shaqada, waxayna dadka degaanka sheegeen inuu isla goobta ku geeriyooday markii uu dhaawac culus soo gaaray.
Ciidamada ammaanka ayaa gaaray goobta sarkaalkani lagu dilay, iyagoo sameeyay baaritaan aan cidna lagu soo qaban.