Sunday, July 13, 2025

Sarkaal ka tirsan Ciidamada G/Banadir oo lagu dilay Muqdisho & Ninkii falka geystay oo la qabtay..

Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegay in dabley hubeysan ay saaka ay Suuqa Siinaay ku dishaly Sarkaal la ka tirsanaa Ciidamada ilaalada degaanka Dowladda Hoose ee maamulka G/banaadir ee Minashiibiyada oo Cansuurta ka qaadi jiray suuqaasi.

Dableyda ayaa weerar ku qaaday Sarkaalkan oo caan ka ahaa Suuqaasi oo algu magacaabi jiray Dawiil Cabdi, laguna sheegay inuu ahaa canshuur-qaadihii suuqa Siinaay, waxayna rasaas kala heleen qeybta sare ee jirkiisa, waxaana ilaalada sarkaalkaasi ay ka jawaabeen rasaasta lagu furay, iyagoo dhaawacay ninka dilka u geystay sarkaalka oo kadib gacanta lagu dhigay.

Ciidamada Booliska oo ka howlgala Isgoyska Siinaay ayaa gaaray Dilku ka dhaca, waxayna halkaasi ka qaadeen sarkaalka minishiibiyada ee la dilay iyagoo baaritaan ka sameeyay goobtaasi.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON