Wararka laga helayo magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in nin hubeysan uu weerar ku qaadeen taliye ku xigeenkii Saldhiga Booliska Baalade, ee magaalada Boosaaso.
Taliyaha ayaa weerarka ku dhaawacmay, iyadoo lagu dilay qof la socday, waxaana la sheegay in ninka weerarka geystay uu baxsaday kadib markii uu falkaasi fuliyay.
Wakaalada Wararka Khilaafada islaamiga ee Acmaaq ayaa shaacisay in dagaalyahannada Daacish ay dileen askari ka tirsan Booliska Boosaaso ayna dhaawaaceen sarkaal sare weerar ka dhacay magaalada Boosaaso.
Xaaaldda ammaanka magaalada Boosaaso ayaa la adkeeyay, iyadoo ay ciidamada xireen goobta falka ka dhacay, waxaana baaritaan ku socdaa ciddii ka danbeysay.