Wednesday, June 25, 2025

Sarkaal ka tirsan NISA oo ka badbaaday Weerar lagu qaaday Gurigiisa & Ilaaladiisii oo lagu laayey [Akhriso]

Weerar qorsheysan ayaa xalay ka dhacay magaalada Muqdisho iyadoo lala beegsaday Sarkaal ka tisan NISA, kaasoo lagu weeeraray gurigiisa.

Sarkaalkan ayaa oo magaciisa qariyey ayaa sheegay in weerarku ka dhacay qaadeen Hoygiisa ku yaalla degmada  Wadajir ee gobalka Banaadir, wuxuuna ka tirsan yahay  Hay’adda Ciidanka Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA.

Wuxuu u sheegay Idaacadda VOA-da inuu hoygiisa uu ka maqnaa xilliga weerarku dhacay, laakiin isaga loola dan lahaa in lagu khaarijiyo, isagoo caddeeyay inay weerarkaasi ku dhinteen afar ka mid ah ilaaladiisa oo guriga ku sugnaa.

“Salaadii maqrib kadib aniga gurigeyga ayaan ka tagay, waxaan guriga uga tagay Afar wiil, ilmaheyga iyo xaaskeyga, meesha gurigeyga uu ku yaallo waa ciriiri, laamiga markaan imid ayaan gaari soo raacay, waxaan tagay agagaarka KM4, qof meesha joogay ayaan wax ka soo qaadanayay, waxyar kadib ayaa xaafada ay iga soo wacday xaaskeyga oo aan hadalkeeda fahmi waayay, dadkii way dhamaadeen ayay igu tiri, waan soo cararay, waxaan u imid laba meyd ah iyo laba dhaawacood uu halis yahay, inta aan Isbitaalka u wadnay ayay labadaba geeryoodeen,” Ayuu yiri sarkaalkan.

Falalkan ayaa Muqdisho ka dhacaya iyadoo xukuumadda Soomaaliya ay ku mashquulsan tahay bandhigga ciidamo la sheegay inay loo diyaariyey sugidda ammaanka magaalada Muqdisho.

Alshabaab ayaa sheegay inay weerar ku dishay sarkaal ka tisan ciidamada Alpha Group iyo afar ka tirsan ilaaladiisa, xaafadda Sey Biano, degmada Hodon ee magaalada Muqdisho.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON