Wednesday, June 25, 2025

Sarkaal ka tirsanaa Ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo toogasho lagu dilay Magaalada Muqdisho

Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegay in koox hubeysan ay toogasho ku dishay Sarkaal ka tirsanaa ciidamada Booliska Soomaaliyeed.

Dabley ku hubeysan Bistoolado ayaa galabta degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir ku dilay sarkaalkan oo lagu magacaabi jiray Xasan Dheere, kana tirsanaa qeybta dembi baarista CID-da, waxaana markii ay dilka geysteen ay ka baxsadeen goobta.

Sarkaalka la dilay ayaa meydkiisa la keenay xarunta dembi baarista Booliska ee Muqdisho, iyadoo saraakiisha ciidamada booliska ay wadaan baaritaan ku saabsan dilka sarkaalkan oo ka mid ahaa saraakiisha sare qeybta baarista dembiyada ciidamada Booliska Soomaaliyeed.

 

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON