Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in koox hubeysan ay toogasho ku dileen sarkaal ka tirsnaa ciidamada dowladda Soomaaliya.
Dabley Bistoolado ku hubeysnaa ayaa dilka ka geystay xalay Degmada Hodan, kadib markii ay rasaas ku fureen Sarkaal ka tirsanaa Ciidamada Booliska Soomaaliya oo lagu magacaabi jiray Cali Canshuur, waxaana sarkaalkaan ayaa lagu dilay Goob ganacsi oo uu doonayey inuu wax ka iibsado.
Kooxdii dilka gaysatay ayaa uga baxsatay goobta gaari nooca raaxadda ah oo ay wateen, waxaana dadka degaanka ay sheegeen in sarkaalka la dilay uu hore uga tirsanaa ciidamadii Nabadsuggida ee loo soo wareejiyay Booliska.
Dilalka qorsheysan ee lagu khaarijiyo askarta, mas’uuliyiinta iyo shacabka ayaa si weyn u kordhayMagaalada Muqdisho, iyadoo hay’adaha amniga dowladda aysan wax weyn ka qaban.