Saturday, July 5, 2025

Maxaa looga hadlay kulankii Madaxweyne Farmaajo & Xoghayaha Guud ee Q/Midoobay? [Akhriso 3 Qodob]

Waxaa magaalada Addis ababa kulan gaara ku yeeshay xoghayaha guud ee Q/Midoobay Antono Gutters iyo madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Kulanka oo ka mid ahaa shirar doceedyada shir madaxeedka Midowga Afrika ee maanta ka dhacaya magaalada Addis ababa, ayaa labada dhinac ay uga wadahadleen xiriirka labada dhinac iyo xaaladda dowladda Soomaaliya.

Afhayeenka xoghayaha guud ayaa sheegay in shirka looga hadlay wadashaqeynta Q/Midoobay iyo dowladda Soomaaliya, iyadoo xoghayaha guud ee Q/Midoobay uu madaxweynaha Soomaaliya ku booriyey inay wadashaqeyn buuxda la yeeshaan maamul Goboleedyada oo ay qeyb ka noqdaan tubaha dowlada Soomaaliya ee siyaasadda loo dhan yahay, Amniga, cadaaladda iyo dhaqaalaha.

Waxaa kaloo kulanka looga hadlay inay dowladda Soomaaliya xiriir adag la yeelato dhinacyada beesha caalamka, siiba xafiiska Q/Midoobay ee UNSOM, wuxuu kaloo soo dhoweeyay sida dowladda Soomaaliya uga go’an tahay amniga shaqaalaha iyo xafiiska UN-ka ee Muqdisho.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON