Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in dabley hubeysan ay caawa toogasho ku dileen sarkaal ka tirsanaa ciidamada Milateriga Soomaaliya.
Dilka ayaa ka dhacay xaafada Macalin Nuur ee degmada Dharkeynley Gobolka Banaadir waxa ay ku dileen Sarkaal ka tirsanaa Millitariga Soomaaliya, waxaana magaciisa lagu sheegay Maxamed Xasan Ciise.
Ddka degaanka ayaa la sheegay in dableyda oo ku hubeysaa bistoolado ayaa sarkaalkan ku toogtay agagaarka gurigiisa, iyadoo falkaasi kadib goobta ka baxsaday.
Wararka ayaa sheegaya in ciidamada xasilinta ay howlgallo ka wadaan xaafado ka tirsan degmada Dharkeynley, iyagoo baadi goobaya raggii dilka sarkaalka geystay oo la filayo inay ka tirsanaayeen Alshabaab.
Waa sarkaalkii labaad saacado gudahood lagu dilay isla xaafada uu Caawa dilka ka dhacay, iyadoo aan la qaban kuwii falkaasi geystay.