Friday, June 27, 2025

Sarkaal ka tirsanaa Ciidamada Milateriga oo toogasho lagu dilay magaalada Muqdisho

Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Sarkaal ka tirsanaa ciidamada milaeriga lagu dilay.

Dabley ku hubeysan Bistoolado ayaa sarkaalkan toogasho ku dishay degmada Waaberi, gaar ahaan agagaarka Saldhigga Booliska, waxaana sarkaalka la dilay lagu magacaabi jiray Cabdi Maxamed Culusow.

Dableyda dika fulisay ayaa ka baxsatay goobta, waxaana markaas kadib gaaray goobtaasiciidamada ammaanka, iyadoo aan lagu guuleysan  in lasoo qabto dableydaasi. Sarkaalkan ayaa la sheegay inuu ka qeyb qaatay howlgaladii Al-Shabaab  looga saaray magaalada Muqdisho.

Muuqaallo uu ku baahiyey Facebook ayaa waxaa ka muuqday inuu ka ahaa dad u tartamayay xilka Guddoomiyaha degmada Waaberi, inkastoo aan la ogeyn sida sarkaal ciidan uu xil rayid ah u qaban karo.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON