Saturday, July 19, 2025

Sarkaal ka tirsanaa NISA oo toogasho lagu dilay Magaalada Muqdisho

Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in sarkaal ka tirsan ciidamada NISA toogasho lagu dilay.

Dilka Sarkaalka ayaa ka dahcay Maqribnimadii Caawa degmada Waaberi, agaagaarka Hotelka Dayax, iyadoo dabley hubeysan ay gaadmo ah rasaas ugu fureen.

Sarkaalka la toogtay ayaa magaciisa lagu sheegay  Gaashaanle dhexe C/casiis Carraaye sida ay sheegayaan laamaha ammaanka dowladda Federaalka, wuxuuna ka tirsanaa ciidamada nabadsugidda.

Kooxda dilka geysatay ayaa la sheegay inay degdeg goobta uga baxsadeen markii ay hubsadeen inay dileen sarkaalkan, waxaana goobta tegay ciidamada ammaanka.

Dilalka lagu khaarijiyo saraakiisha dowladda iyo mas’uuliyiinta ayaa inta badan waxaa sheegtay kooxda Alshabaab.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON