Dabley hubeysan ayaa toogasho ku dishay sarkaal ak tirsana Ciidamada Dowladda Soomaaliya ee ku sugan Gobolka Gedo, gaar ahaan degmada Belwdxaawo.
Koox hubeysan oo si qarsoodi ah xalay ku galay degmada ayaa ayaa weeraray Diiriye Barre Uboow, oo ka mid ahaa Ciidamada Dowlada ee ka howlgallay degmada Beledxaawo, iyadoo kadib falkaasi goobta ka baxsaday, waxaana weerarkaasi ku dhaawacmay qof shacab ah.
Alshabaab ayaa sheegatay dilka sarkaalkan, waxayna sheegtay inuu gacansaar la lahaa ciidamada Itoobiya, ayna weerar qorsheysan xalay saqdii dhexe ku khaarijiyeen, iyagoo ka qaatay hubkii uu watay.
Alshabaab ayaa sii xoojisay beegsiga saraakiisa ciidamada Soomaaliya, waxaana maalmo ka hor ay saraakiil ka tirsan Booliska iyo Danab ku dishay Magaalada Muqdisho.
