Iyadoo lagu guda jiro dhismaha Golaha Wasiirada cusub ee xukuumadda Soomaaliya ayaa waxaa soo baxaya xog ku saabsan wasiirada aan rajada ka lahayn inay dib usoo laabtaan iyo kuwa ay caddahay inay kasoo muuqaan doonaan Golaha Wasiirada ee uu soo dhisi doono Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble.
Wasiirada isla markiiba ay xaqiiqada tahay inay waayi doonaan xilalkooda oo aan rajada ka qabin inay ka mid noqdaan xukuumadda Ra’iisal wasaare Rooble waxaa ka mida: Wasiirkii Amniga Maxamed Abuukar Islow, Wasiirkii Arimaha Gudaha Cabdi Maxamed Sabriye, Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Cabdi Canshuur iyo kuwo kale.
Saddexdan wasiir waxay saaxiibo dhow la ahaayeen oo ay eersanayaan Ra’iisal wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre, laakiin Wasiirka Arrimaha Gudaha Cabdi Maxamed Sabriye waxaa isaga u wehlisa inuu ku baxayo awood qeybsi qabiil mar haddii uu Ra’iisal wasaare noqday mas’uul kasoo jeeda Beeshiisa, waxay Beeshaasi hadda yeelan doontaa wasiir aan ahayn jagooyinka waaweyn.
Wasiirkii Amniga Maxamed Abuukar Ducaale oo ka mid ahaa wasiiradii aan dhicin tan iyo markii xukuumadda Kheyre la dhisay, wuxuu ilaa daqiiqadii ugu danbeysay difaacay saaxiibkii, waxaana cad inuusan ka soo muuqan doonin xukuumadda cusub, iyadoo Madaxweyne Farmaajo uu bedelkiisa door bidayo Maareyihii hore ee Dekadda Muqdisho Cabdi Jiinow iyo sii-hayaha Wasaarada Ganacsiga oo uu mar wareysi uga qaaday xilka Ra’iisal wasaaraha.
C/llaahi Cali Xasan waxaa caqabad ku noqon doonta xiriirka hoose ee Villa Somalia la wado Madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamud oo ay doonayaan isbaheysi yareyn kara fursadaha doorashada Musharax Xasan Cali Kheyre, taasoo Farmaajo u jiheyn doonta dhinacyo kale.

Wasiirka Boostada Iyo Isgaarsiinta Eng. Cabdi Cashuur Xasan inkastoo uu yahay nin qunyar socod ah, wuxuu saaxiibtinimadiisa Kheyre ku dhex waday xiriir fiican oo Madaxweyne Farmaajo uu la leeyahay, haddii uu sidaas xilka ku waayana waxay caddeyn doontaa heerka uu gaarsiisan yahay khilaafka kala geeyay saaxiibadii hore ee Farmaajo iyo Kheyre.
Wasiirada kale ee cabsida ka qaba inaysan kasoo muuqan golaja wsaiirada cusub waxaa ka mida: Wasiirka Diiinta iyo Awqaafta, Wasiirka Hjaweenka iyo Xuquuqda Insaanka, Wasiirka caafimaadka iyo kuwo kale.