Wednesday, July 16, 2025

Sarkaal Sare iyo Ciidamo ka tirsan Daraawiishta Galmudug oo lagu dilay Weerar Alshabaab ku qaaday…

Wararka laga helayo Gobolka Mudug ayaa sheegaya in degaanka Shabeellow ee Gobalka Mudug ayaa sheegaya in dagaal ku dhex maray ciidamada Daraawiishta Galmudug iyo maleeshiyada Al-Shabaab.

Dagaalka ayaa yimid, kadib markii Al-Shabaab ay weerar lama filaan ah ku qaadeen fariisin ay ciidamada daraawiishta Galmudug ku laahaeyeen degaanka Shabeelow iyadoo dagaal culus uu dhex maray labada dhinac.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalku uu sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac leh, iyadoo lagu dilay ilaa 5 askari, 10 kalena ay lagu dhaawacay. Waxaa la xaqiijiyey inuu Weerarka Alshabaab ku dhintay Gaashaanle Maxamed Cali Salaad oo ka mid ahaa saraakiisha daraawiishta Galmudug, sidoo kalena dagaalka lagu gubay gaari dagaal.

Alshabaab ayaa sheegatay inay dagaalka oo ka dhacay saldhigga ciidamada dowladda ee Qeycad ay ay ku dileen askar badan , kuna qabsadeen Saddex gaari oo kuwa dagaalka ah.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON