Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka ee NISA ayaa shaacisay in sarkaal sare oo ka tirsan ururka Al-Shabaab uu isku soo dhiibay dawladda Soomaaliya.
Sarkaalkan ayaa lagu magacaabaa Mukhtar Mohamed Cabdi oo ku magac dheer (Mukhtaar Ganey) oo ahaa sarkaal muddo dheer ka mid ahaa Alshabab, balse dhowaan xiriir lasoo sameeyay NISA si uu isu soo dhiibo, taasoo maanta suuragashay.
“Waxaa hadda Muqdisho soo gaaray Mukhtar Mohamed Abdi (Mukhtaar Ganeey), oo ahaa sargaal sare oo muddo dheer ka tirsanaa argagixisada Alshabab, kadib markuu ka dalbaday NISA inay u sahasho sidii uu uga soo goosan lahaa..” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Hay’adda NISA.

Wararka aaa sheegaya in sarkaalkan Mukhtaar Ganey uu kasoo jeedo K/Galbeed, ay saaka NISA u dirtay Diyaarad looga soo qaaday magaalada Baydhabo, iyadoo laga soo dejiyey magaalada Mudisho, lana geeyay xarunta weyn ee NISA.