Kooxda Alshabaab Gobolka S/hoose ku soo bandhigtay meyd askari la sheegay inuu ka tirsan yahay ciidamada kumaandooska Soomaaliya iyo agab ciidan oo kal duwan, kasoo ay sheegeen inay ka furteen ciidamdaii 12-ka bishan weerarka ku qaaday degaanka Mubaarak.
Agagbka iyo meydka ayaa lagu soo bandhigay fagaare ku yaalla deegaanka Mubaarak ee Gobolka Sh/Hoose. Sida uu sheegay Sheekh Maxamed Abuu Osama oo Gobolka Sh/hoose u qaablisan Alshabaab 4 kamid ah ciidamadii kumaandooska Soomaalida ayaa lagu dilay dagaalka ka dhacay dedaanka Mubaarak.
Sida sawirrada ka muuqda waxaa lagu arkayaa meydka hal askari oo dhinacyo kala duwan laga sawiray, mana jirto cid xaqiijisay sheegashada Alshabaab.