Waxaa maanta magaalada Hargeysa ee maamulka Somaliland lagu soo dhoweeyay C/kariin Sheekh Muuse (Qalbi Dhagax) iyo xubno ka tirsan Jabhadda ONLF oo socdaal ku tegay magaaladaasi.
Soo dhoweynta wafdiga Qalbi-dhagax iyo xubnaha la socda waxaa ka qeyb galay wasiirro, xildhibaanno, siyaasiyiin ka tirsan Maamulka Somaliland, waxaan weheliyey dadweyne sitay calanka Maamulka Soomaalida Itoobiya ee Somali State iyo calanka ONLF.
Isagoo ka hadlayay magaalada Hargeysa ayuu sheegay C/kariin Qalbi-dhagax in maalmaha soo socda ay Hargeysa tegi doonaan xubno ka tirsan ururka ONLF ah, isla markaana kulamo la yeelan doonaan madaxda Somaliland.
Somaliland ayaa csuuntay Qalbi Dhagax oo dowladda Soomaaliya ay u gacan gelisay dowladda Itoobiya, waxaana dadka u ololeeyay inuu Hargeysa tago ka mida guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID, iyadoo Somalilad ay ka mid ahayd maamullada Itoobiya ua gacan gelin jiray xubnaha ONLF.