Wednesday, June 25, 2025

SAWIRRO: Ciidamo Gadoodsan oo khalkhal geliyey Xafiiska Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed [Maxaa dhex maray?]

Ciidamo ka tirsan Milateriga federaalka Itoobiya oo gadoodsan ayaa shalay dul hogtay xafiiska Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ee magaalad Addis ababa, iyadoo ka tegay howgal loogu diray duleedka magaalada Addis ababa oo rabshado isir ah ay ka dhaceen.

Ciidaman ayaa ka gadoodsanaa xaaladda ay ku shaqeeyaan, waxayna xaalad kacsan ka geliyeen  xafiisyada dowladda iyo kan Ra’iisal wasaaraha, taasoo keenay in saacado ka jaro adeegyada internet-ka si looga hortago in warar badan laga faafiyo dhacdada.

Ciidamadan ayaa markii danbe la kulmay Ra’iisal wasaare Abiy Ahmed oo ay kala hadleen cabashadooda sida mushaar kordhin loo sameeyo, xaaladda ay ku shaqeeyaan, iyo dalabkooda ah in la hagaajiyo noloshooda.

Ra’iisal wasaaraha Itoobiya ayaa la hadlay ciidamada isagoo ay xaalad naxdin ah ka muuqato (eeg sawirka hoose), wuxuuna u sheegay in arrintooda la xalinayo, balse ay qaab khaldan u soo bandhigeen cabashadooda.

Dadka  magaalada Addis Ababa ayaa cabsi weyn soo wajahday kadib markii boqolaal ka mida ciidamadan qaarkoodna ay hubaysnaayeen ay socod ku tageen xafiiska Raisul wasaaraha Itoobiya.

 

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON