Tuesday, June 24, 2025

SAWIRRO CUSUB: Nooca Gaariga qarxay & Xeelad la yaab leh oo Qaraxa loo qorsheeyay [Akhriso]

Qaraxii weynaa ee ka dhacay galabta iridka Hotelka Naasahablood 2 oo u dhow Baarka Banooda ayaa la ogaaday inuu ahaa gaari weyn oo nooca UD ee xamuulka ah, midabkiisuna caddaan ahaa.

Gaarigan ayaa si qorsheysan goobta loo dhigay iyadoo ilaa duhurkii uu yaallay jidka kasoo horjeedka hotelka, iyadoo darawalkii waday uu sheegay inuu Gaariga ka ciladeysan yahay, waxaana la arkayay isagoo iska dhigaya qof hagaajinaya.

Gaariga ayaa goobta ku sugnaa wixii ka danbeeyay salaadii Duhur, waxaana qaraxiisa uu ahaa mid qorsheysan oo lala sugayay gaariga kale ee dableyda siday iyo qaraxa labaad waqtiga uu ku soo beegan yahay.

Dad badan oo goobta tegay wixii ka danbeeyay duhurnimadii maanta oo ay ku jiraan xildhibaanno dad shacab ah ayaa sheegay inay arkeen Gaariga weyn ee la sheegay inuu ciladeysan yahay.

Arrintan ayaa muujineysa feeginaan la’aan iyo iyadoo aanay jirin howlgallo amni oo lagu hubinayo gaadiidka adeegsada goobaha muhiimka ah.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON