Wararkii ugu danbeeyay ee laga helayo magaalada Adisa ababa ayaa sheegay in shan qof loo qabtay qarixii maanta ka dhacay fagaaraha Meskel Square ee magaalada Adis ababa oo Ra’iisal wasaaraha dalkaasi khudbad ka jeediyey.
Shan qof oo la sheegay inay iska dhigeen dadka wadooyinka ka dawarsada (tuugsada) ayaa la qabtay iyadoo su’aalo lagu weydiiyay Saldhigga Booliska ee Sidistegna kasanchis, magaalada Adisa ababa, waxaana lagu tuhunsan yahay inay qaraxa ka dambeeyeen.
Dhinaca kale saraakiisha caafimaadka ayaa xaqiijiyay inuu qof ka mid ahaa dadkii qaraxa ku dhaawacmay uu geeriyooday, halka tirada dhaawaca ay gaartay 132 qof, waxaana weli socda baaritaanka ciddii qaraxa ka dambeysay oo loola dan lahaa Ra’iisal wasaaraha cusub ee Itoobiya Abiy Ahmed.