Wararkii ugu danbeeyay ee weerarka lagu qaaday Baar lagu caweeyo magaalada Las Vegas ee dalka Mareykanka ayaa sheegaya in dadka lagu dilay ay gaartay 50 qof, halka 200 kale lagu dhaawacay.
Weerarkan oo noqday kii ugu weynaa ee dhiig badan ku daato ayaa laga cabsi qabaa in dhimashada dadka ay sii kororto, sida uu sheegay Booliska magaalada Las Vegas oo rumeysan in qofka falkan fuliyay uu iskiisa tallaabadaasi u qaaday.
Ninka dableyda ah ee falkan geystay ayaa ah nin 64 sano jir ah oo lagu magacaabo Stephen Paddock, wuxuu rasaas darandoori ah ka soo furay dabaqa 32aad ee Hotelka Mandalay isagoo beegsaday dad fara badan oo ku sugnaa goob furan oo bandhig miyuusik uu ka socday.
Ninka weerarka qaaday ayaa la sheegay inuu toogasho ku dilay askari ka tirsan Booliska, kadib markii uu laayay dadkii ugu badnaa ee goob qura weerar lagu qaado gudaha Mareykanka.
Taliyaha Booliska Joe Lombardo ayaa sheegay inay rumeysan yihin in weerarka uu ahaa mid uu dembiilaha keligiis geystay.
SAWIRRO