Tuesday, July 22, 2025

SAWIRRO: Gacan-yaraha Dhaxal-sugaha Sacuudiga oo hogaamiyey kooxdii dishay Jamal Kashoqgi

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helay gacan-yaraha dhaxal sugaha Sacuudiga ee madaxda ka howlgalkii naxdinta lahaa ee lagu dilay Saxafiga Sacuudiyaanka ah ee Jamal Kashoqgi oo la sheegay in jirkiisa lagu dhex jarjaray Qunsuliyadda Sacuudiga ee magaalada Istanbul 2-dii bishan Oktobar.

Kadib markii shalay la faafiyey in gacan-yaraha  u dhow Dhaxal-sugaha Sacuudiga ninka lagu magacabo Maahir C/casiis Mudrib uu mas’uul ka ahaa isku xirka qorshaha dilka Saxafiga ayaa telefishanka Aljazeera wuxuu baahiyey muuqaal laga duubay ninkan oo maalintii la dilay saxafiga sii galaya, kana baxaya Qunsuliyadda.

Isla maalintaas wuxuu Maahir C/casiis sameeyay sida ay sheegtay  xeer ilaalinta Turkiga  19 Call oo 4 ka mida uu ku wacay xafiiska Dhaxal-sugaha Sacuudiga, taasoo caddeyn u ah in dhaxal-sugaha uu ka danbeeyay dilka Jamal Kashoqgi.

Ninkan ayaa hore u ahaa diblomaasi ka shaqeeya safaaradda Sacuudiga ee London, kadibna wuxuu noqday mid ka mida gacan-yareyaasha Dhaxal-sugaha Sacuudiga, wuxuuna u raacay safarradii uu ku tegay dalalka reer Yurub iyo Mareykanka, waxaana la filayaa in Turkigu soo saaro amar ninkaas lagu soo qabanayo si cadaaladda loo horgeeyo.

HOOS KA DAAWO SAWIRRADA  XIRIIRIYAHA DILKII JAMAL KASHOQGI EE MAAHIR C/CASIIS 

Maahir oo sii gelaya Qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbuul 09:55 subaxnimo. waxaana la ogyahay in saxafiga Jamal uu goobtaasi tegay Duhurnimadii 13:14

 

Isagoo galabtii kasii baxaya Qunsuliyadda

Wuxuu Garoonka Istanbuula ka duulay 17:58 oo ah maqribnimadii isagoo Boorso weyn wata taasoo aan la baarin

SAWIRADDII HORE

Maher Abdulaziz Mutreb, reportedly now being sought by Turkish authorities for questioning over Khashoggi's disappearance, can be seen in the background as Crown Prince Mohammed bin Salman visits a Habitat for Humanity in Houston, Texas in April
Wuxuu dhaxal-sugaha ku wehliyey safarradii Yurub iyo Mareykanka

Close to the crown: Mutreb is seen disembarking after Crown Prince Mohammed bin Salman in Madrid, Spain, also in April this year

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON