Maamullada Galmudug iyo Ahlu suna ayaa heshiis hordhac ah maanta ku saxiixday dalka Jabuuti, iyadoo heshiiska buuxa lagu gaari doono Muqdisho.
Heshiiska ay maanta kala saxiixdeen labada dhinac ayaa ahaa mid aan la sii qorsheyn oo ay dalbadeen madaxda labada maamul oo sheegay inaysan Jabuuti ka tegaynin iyagoo aan heshiis saxiixin, waxaana qodobadda lagu heshiiyay ee la saxiixay ka mida:
1- In labada maamul ay midoobaan
2- In magaca Galmudug la wada qaato
3- In la isku daro ciidamada labada maamul iyo in la qebsado awoodda
Wararka ayaa sheegaya in wafdiyada maamul ay tegayaan magaalada Muqdisho, halkaasoo heshiis kama dambeys ah lagu saxiixi doono madaxtooyada Soomaaliya
SAWIRRO