Faahfaahin ayaa kasoo baxday Qarax Gaari a oo glabata ka dhacay Isgoyska Sayidka ee wadadda Maka Al-mukarama oo ah bar Koontarool oo laga ilaaliyo Madaxtooyada Soomaaliya.
Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in Gaariga qarxay uu noouciisa ahaa kuwa raaxada ah, kaasi oo ku jiray safka baarista gaadiidka mara wadada hormarta Madaxtooyada, kadibna uu qaraxay Gaariga mar qura.
Qiiqa iyo jugta qaraxan ayaa si weyn looga maqlay qeybo badan oo ka mida magaalada, waxaana cirka isku shareeray uuro madow iyo holac, kadibna waxaa dhacday in Ciidamada ku sugnaa Barta Kontorool ay rasaas fara badan fureen.
Qasaaraha ayaa la sheegay inuu isugu jiro 3 dhimasho iyo dhaawac ka badan 1 qof, waxaana la xiray goobta qaraxu ka dhacay oo ciidamo horleh la geeyay. Gaadiidka gar gaarka degdeg ah ayaa daabulaya dhaawacyada.
Alshabaab ayaa sheegtay qarax oo noqonaya kii labaad oo muddo 4 maalmood gudahood ah a dhaca magaalada Muqdisho. Goobta qaraxa u dhow Wasaaradda Arrimaha gudaha iyo xarunta Baarlamaanka.