Thursday, June 26, 2025

SAWIRRO: Ku-simaha Madaxweynaha Soomaaliya oo tegay Magaalada Baydhaba [Akhriso ujeedka socdaalkiisa]

Guddoomiyaha Baarlamaanka ahna ku simaha madaxweyanah Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee Maamulka Koonfur Galbeed.

Waxaa halkaasi ku soo dhoweeyay Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan, Gudoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed iyo Wasiiro ka tirsan maamulkaasi oo garoonka Shaatigaduud ee magaalada Baydhaba uga hortegay.

Guddoomiye Mursal ayaa la sheegay inta uu joogo Magaalada Baydhabo inuu kulamo la yeelan doono masuuliyiinta Maamulka Koonfur Galbeed iyo Bulshada ku nool Magaalada Baydhabo, iyadoo ay tahaya markii ugu horeysay ee uu halkaasi tago intii xilka loo doortay.

Waxaa kaloo magaalada Baydhaba tegay wufuud ka socota Beesha Caalamka, waxaana Berri halkaasi ka furmi doona kalfadhiga Shanaad Baarlamaanka maamulka G/Galbeed oo furitaankiisa uu ka qeybgeli doono kusimaha madaxweynaha.

 

 

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON