Sunday, July 13, 2025

SAWIRRO: Madaxda Maamul Goboleedyada oo ku qulqulaya Kismaayo [Akhriso 3 Qodob xasaasi ah]

Magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee Maamulka Jubbaland waxaa ku qulqulaya Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada dalka oo shir uga furmi doono maalinta Berrito ee Isniinta.

Shirkan oo uu isugu yeeray guddoomiyaha Golaha Iskaashiga Maamul Goboleedyada oo ah madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali (Gaas) ayaa waxaa saacadihii ugu danbeeyay ka degay magaalada Kismaayo madaxweynayaasha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf iyo madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare, waxaana ugu danbeeyay madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas.

Waxaa madaxweynayaasha ku soo dhoweeyay Garoonka magaalada Kismaayo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe oo marti gelinaya shirka Golaha Iskaashiga ee ay leeyihiin maamul Goboleedyada.

Kulanka madaxda dowlad Goboleedyada ayaa imaanaya xilli xasaasi ah oo inta badan maamullada iyo dowladda Federaalka khilaaf weyni ka dhaxeeyo, isla markaana 5-ta madaxdweyne ay halis ugu jiraan inay waayaan kuraastooda, siiba saddex ka mida oo doorasho iyo mooshin ku soo fool leeyahay.

Qodobadda shirka looga hadayo waxaa ugu waaweyn: Guddoomiye uu yeelanayo Golaha Iskaashiga Maamul Goboleedyada, Go’aan ku aadan khilaafka dowladda Soomaaliya iyo Jubbaland & xaaladda Amniga dalka.

Image may contain: 2 people, people sitting and indoor

Image may contain: 5 people, people smiling, people standing and outdoor

 

 

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON