Madaxwaynaha Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed iyo wafdi la socday oo maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa magaalada Muqdisho ayaa maanta dib ugu laabtay xarunta maamulkaasi ee Cadaado iyadoo ay soo dhoweeyeen mas’uuliyiin ka tirsan labada gole Galmudug iyo qaybaha bulshada.
C/kariin Guuleed ayaa sheegay in shirarkii uu Muqdisho uga qeybgalay ay guul ku soo dhamaadeen. iyadoo la isla gartay labo arrimood oo kala ah inaysan jirin muddo kororsi ah oo hay’adaha dawlada loo kordhinayo iyo inaysan dhici karin codeyn toos ah duruufaha dalka ka jira awgeed.
Wuxuu ugu baaqay Ahlu suna wadaxaajood, si ay qeyb uga noqdaan dhismaha dowlad goboleedka Galmudug, wuxuuna yiri: “Waxaan rabaa inaan baaq nabadeed u jeediyo culimaa’udiinka Ahlusunna waljamaaca, oo aan leenahay wadahadalka inay ajiibaan, nabadana ay qayb ka qaataan, dhismaha dawladnimada iyo xasiloonada dalka iyo deegaanka”.
[ad name=”HTML-7″]
Goobjooge.com
[ad name=”HTML-1″]