Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyrre oo ku sugan Dalka Jabuuti ayaa kulan la yeeshay madaxweynahaJabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle.
Labada dhinac ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka Walaaltinimo ee labada Dowladood. Rai”sal wasaare Kheyrre ayaa Madaxweynaha Jabuuti uga mahad celiyey garab istaaga iyo taageerada Soomaaliya waxa uuna dhinaca kale faah faahin ka siiyey xaalada Soomaaliya.
“Madaxweynaha Dalka Jabuuti Mudane Ismaciil Cumar Geelle ayaan fadhi wada yeelanay, waxaan ka wada hadalnay sii adkeynta xiriirka dhow ee labada dal, anigoo uga mahad celiyay shaqada nabad ilaalinta ee Ciidanka Jabuuti ka wado Dalka…” ayuu yiri Ra’iisal wasaare Kheyre.
DAAWO SAWIRRO