Madaxweynaha Soomaaliya ayaa maanta ka qeyb galay shir madaxeedka dalalka carabta, islaamka iyo Mareykanka ee ka dhacay magaalada Riyad ee dalka Sacuudiga.
Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa shirka ka sheegay shir madaxeedka uu yimid xilligii loo baahnaa, ayna muhiim tahay in la is weydaarsado fekradaha sidii looga hortegi lahaa dhibaatada argagixisada xilligan.
Shirka waxaa ka qeyb galay in ka badan 50 hogaamiye oo dalalka islaamka ka mida, waxaana khudbad ka jeediyay madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.
DAAWO SAWIRRO