Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa saaka a dhoofay magaalada Jiddaha ee Boqortooyada Sacuudiga, kadib markii ay u dhammaatay booqasho uu muddo laba maalmood ah ku joogay dalkaasi.
Wafdiga madaxweyne Farmaajo ayaa shalay iyo xalay la kulmay Boqorka Sacuudiga Salmaan Bin C/casiis iyo dhaxal-sugaha dalkaasi Maxamed Bin Salmaan, waxaana wararku sheegayaan in Sacuudiga ay Soomaaliya ka fulineyso mashaariic iyo taageero ay siineyso dowladda Soomaaliya.
Waxaa Garoonka Boqor C/casiis ee magaalada Jiddaha ku sagootiyay ku xigeenka guddoomiyaha Gobolka Maka ee amniga Almukarama Amiir Sacuud Bin C/llaahi, Safiirka Sacuudiga ee Soomaaliya Maxamed C/Qani Khayaad iyo madax kale.
Wafdiga madaxweynaha ayaa lagu wadaa inay dib ugu laabtaan magaalada Muqdisho ee xarunta Soomaaliya.