Wednesday, June 25, 2025

SAWIRRO: Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay Musharixiintii isbedeldoonka [Akhri Qoraalka shirkii jaraa’id ee ugu horeeyay]

Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa caawa la kulmay musharixiintii isbedeldoonka ee xilka kula tartantay, kulanka oo ahaa Casho sharaf ayuu Madaxweynaha kadib shir jaraa’id qabtay isagoo dadka Soomaaliyeed kala hadlay arrimo fara badan.

HOOS KA AKHRI KHUBADDA OO QORAAL AH

“Waxaan rabaa in aan u mahadceliyo shacabka Soomaaliyeed meel walbo oo ay joogaan oo runtii ay ku jiraan dabaal deg kasoo bilowmay guushii xalay la igu doortay in aan madaxweynaha dalka Soomaaliya noqdo, guushaasi oo aan aaminsanahay in aytahay guul ay iska leeyihiin shacabka Soomaaliyeed meel walbo oo ay joogaan.

Waa guul ay ka bilaabatay Soomaaliya midnimadeda sidaan u sheegay xalay, waxa weeye runtii guul la dagaalamaysa musuq maasuqa , waa guul ka shaqeyn doonta dowladd wanaag taasi oo ku dhisan dowladda in ay noqoto dowladd aamina, Cadaalada ka shaqeysa , caawisana dadka saboolka ah.

Waad ku mahadsanitihiin dabaal degiina iyo meel kasta oo aad isugu soo baxdeen. Inkastoo la ii sheegay xooga dhibaato ah in ay dhacday, waxay maalintii labaad waxaan rabaa oo idinka codsanaya in aad u fahantaan Campaynkii waa dhamaaday.

Waxa hada loo gudbaya xili shaqo oo aan doonayo dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed in ay bilaabaan in ay kawada shaqeeyaan oo shacabku ay sii wadaan kalsoonida ay siiyeen dowladdayda , Laakiin dabaaldegii in uu dhamaaday oo la joojiyo wixii hada ka danbeeya banaanbaxyadan iyo isu soo baxaan , maxaa yeelay kambaynkii waa dhamaaday waad guulaysateen wixii aad rabteen waad hesheen.

Xildhibaanada sharafta leh waa idin maqleen dareenkiinii waa qaateen weyna ku shaqeeyeen dareenkiina, maxaa yeelay waxay doorteen cida aad rabteen, waxaan idinka codsanaya oo aan xiligan danbe u qabtay shirkaan jaraa’id in aad walalayaalow aad joojisaan isu soo baxa oo jidadka aad ka tagtaan,oo guryihiina aad ku noqotaan, oo howlihiina aad dib ugu noqotaan

Waxaan rabaa in aan ka hadlo Arrimaha abaaraha oo aad ogtihiin in xoolihii iyo dadkii ay le’anayaan, Shacabka Soomaaliyeed meel walbo oo ay joogaan gudaha iyo dibada oo awoodi kara in ay ku taburacaan walalahood baa ba’aya oo xoolahoodii iyo noloshoodi iyo beerahoodii ka baa ba’een , waa in aan isu gurmano waa in aan isu naxariisano , inshalalh waxaan rajeynaya dadka weliba khaasatan qurbaha jooga in ay kusoo taburaan Ha’ada gargaarka abaaraha oo ay culimadu isu xilqaameen oo ay wadaan kaambeenkaasi ay ku ururinayaan dhaqaalah si dadka walaalhood ah oo baa ba’san wax ugu qabtaan.

Ugu danbeyntii waxaan rabaa in aan tacsi u diro alla ha’unaxariiste General Cadde Muuse oo shalayto ku geeriyooday magaalada Dubai, Alla ha unaxariisto janadiisa iyo naxariistiisana alla hasiiyo, caa’iladiisii iyo qaraabadiisi iyo asxaabtiisii samir iyo iimaan alla ha ka siiyo .

Habeen wanaagsan waa mahadsanithiin”

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON