Madaxweynaha Soomaaliya ayaa soo gabageeyay socdaalkiisii taariikhiga ahaa ee dalka Eritrea, isagoo kulamo la qaatay madaxda dalkaasi, isla markaana war-murtiyeed laga soo saaray wadahadalkii labada dhinac yeesheen.
War-murityeedka ayaa lagu sheegay in dowladda Eritrea ay si buuxda u aqoobsan tahay Qaranimada, Midnimada iyo wadajirka Soomaaliya, isla markaana waxay labada dal ku heshiiyeen inay dib u soo celiyeen xiriirka diblomaasi, iyadoo is dhaafsan doona safiiro, isal markaana ka wada sheqeyn doona amniga Geeska Afrika.
Qodobadda kale ee labada dal ku heshiiyeen waxaa ka mida inay iska kaashadaan dhinacyada dhaqaalaha, dhaqanka iyo xoojinta iskaashiga ganacsiga labada dal.
Wafdiga Madaxweyne Farmaajo waxaa garoonka Asmara ku soo dhoweeyay madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki.