Sunday, July 6, 2025

SAWIRRO: Mareykanka oo Gawaaridda aan Rasaastu karin ugu Deeqay Wasaaradda Gaashaandhigga Somalia

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa maanta Waaxda Arimaha Dibadda ee Mareykanka ka Guddoomay lix Gaari oo nooca aan Xabadda karin kuwaas oo loogu talagalay in lagu qaban doono howlaha Wasaarada Gaashaandhigga.

Gaadiidkani ayaa Wasaaradda ugu deeqday Waaxda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, waxaana munaasabad kooban oo uu Wasiirku ku guddoomayay Gaadiidkaasi lagu qabtay xarunta Wasaaradda Gaashandhiga, taasi oo ay goob joog ka ahaayeen wafdi ka socda Waaxda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka.

Saraakiisha ka socotay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa sheegay in gaadiidka ay Dowladda Mareykanku ugu talagashay in lagu kaabo Wasaaradda Difaaca Soomaaliya,si ay ugu qabato adeegyada muhiimka ah ee bulshada  ay u hayso Wasaaradda.

Wasiirka ayaa  uga mahadceliyay Wasiirku Dowladda Mareykanka sida ay u garab taagantahay ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed,oo dagaal kula jira Cadowga Ummadda Soomaaliyeed ee Alshabaab.

 

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON