Thursday, June 26, 2025

SAWIRRO: Meydad ka badan 20 oo laga soo saaray burburka Qarixii Zope & Wararkii ugu danbeeyay

In ka badan meydadka  20 qof  oo ku dhinta qaraxii shalay ka dhacay isgoyska Soope ayaa laga soo saaray saaka burburka dhismayaasha Isgoyska.Howsha Gurmadka ayaa socotay xalay oo dhan waxaana goobta ku sugnaa Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, iyadoo burburka dhismooyinka hoostiisa laga helay meydad fara badan oo dhintay, kuwaasoo intooda badan aan la aqoonsan karin.

Ma jirto tiro sax ah oo laga hayo qasaaraha, waxayna dadka qaarkii gaarsiinayaan ilaa 60 qof, waxaana jira dad weli la la’ yahay iyo qaar la aqoonsan waayay  isbedelka jirkooda ku dhacay dartood.

Isbitaallada ayaa waxaa buuxiyay dadweyne fara badan oo raadinaya dad ka maqan, waxaana buuxsamay ilaa 4 isbitaal oo xilligan awoodi karin inay dad cusub qabtaan. Dhaawaca ka dhashay qarixii weynaa ee Muqdisho ayaa ka badan 100.

Howlgalka lagu raadinayo meydadka ayaa maalintii labaad ka socda dhismooyinka ku dhow isgoyska Soope oo uu ka dhacay qarixii ugu weynaa ee taariikhda ka dhaca Caasimadda.

 

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON