Magaalada Gaalkacyo ayaa shalay tababar looga furay ciidamo isku dhaf ah oo maamulada Puntland iyo Galmdug ka kala socda.
Ciidamadan waxaa tababarkooda gacan ka geysanaya Q/Midoobay iyadoo qeyb ka ah, heshiiska colaadda Gaalkacyo, waxaana tababarka wadajir u furay Madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka Galmudug Maxamed Xaashi iyo Madaxweyne ku xigeenka Dowlad goboleedka Puntland C/xakiin Camey.
Waxaa munaasabadda goobjoog ka ahaa wasiirada labada maamul. Qeybta koowaad ee ciidamada tababarka qaadanaya ayaa ah 50 Askari oo boolis ah oo laga soo xulay ciidamada labada maamul, iyadoo tiradooda la kordhin doono.
SAWIRRO