Thursday, June 26, 2025

SAWIRRO: Puntland oo Kumanaan Ciidamadeeda ka tirsan ku wareejisay Dowladda Soomaaliya

Maamul Goboleedka Puntland ayaa maanta dowladda Federaalka Soomaaliya ku wareejiyey ciidamo gaaraya 2, 400 oo askari oo ka tirsanaa ciidamada difaaca maamulka Puntland.

Ciidamadan ayaa qeyb ka noqonaya ku dhowaad 20,000 askari oo ay isku dhafayaan maamul Goboleedyada dalka sidii ay ku heshiiyeen madaxa maamullada dalka iyo dowladda federaalka Sooomaaliya in maamul kasta 3000 ku biiriyo ciidamada isku dhafka ah ee Qaran.

Xaflad ay Puntland ciidamadan ku wareejisay oo ka dhacday xerada 54-aad ee  ciidamada xoogga dalka magaalada Garowe waxaa goobjoog ka ahaa madaxweyne ku xigeenka Puntland, wasiiru dowlaha wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya iyo saraakiil ka kala socotay maamulka Puntland iyo dowladda Soomaaliya.

Injineer C/xakiin Xaaji Cumar Camey Madaxweyne ku xigeenka Puntland  ayaa goobta ka sheegay in dowladda Soomaaliya ay ku wareejiyeen ciidamo gaaraya 2, 400 askari oo ka tirsanaa ciidamada Daraawiishta Puntland oo wixii hadda ka dambeeya ka mid noqon doona ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Mudane Camey ayaa sheegay in wixii maanta ka bilowda xuquuqda ciidankaasi loo raacanayo dowladda Soomaaliya. Taliyaha Guud Ciidamada difaaca Puntland Gen. Siciid Maxamed Xirsi Siicd Dheere ayaa sheegay Ciidamada Puntland ku wareejisay Dowladda dhexe gaar ahaan Wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya ay ka yimaadeen ciidamada Puntland oo dhexdooda laga soo xulay.

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhiga Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cali Xagaa, ayaa sheegay maanta laga bilaabo in ciidanka Daraawiishta Puntland ay ka mid ahaan doonaan ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayna dowladda Federaalku la wareegi doonto dhammaan wixii xuquuq ah oo ay ciidankaan leeyihiin.

SAWIRRO

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON