Wararka laga helayo Gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in Qarax ismiidaamin ah oo loo adeegsaday Gaari ay wateen maleeshiyo ka tirsan Alshabaab ayaa ka dhacay ka dhacay degaanka Baar-Sanguuni ee duleedka magaalada Kismaayo.
Weerarka ayaa la sheegay in loo adeegsaday Gaari Caasi ah oo ku socday Saldhig weyn oo ciidamada Jubbaland iyo kuwa huwanta ay degaan, waxaan la sheegay in Gaariga laga shakiyey, kadibna rasaas lagu furay, halkaasoo uu ku qarxay.
Gaariga oo qarax xoog leh ka dhacay ayaa xilliga la rasaaseeyay ku sugnaa meel u dhow xerada ciidamada Baar Sanguuni, waxaana la sheegay inay ku dhinteen laba maleeshiyo oo gaariga la socday, waxaana dhaawac kasoo gaaray hal askari.
HOOS KA DAAWO SAWIRRADA



