Saddex ruux ayaa ku dhintay, 15 kalena dhaawacyo ayaa kasoo gaaray weerar is miidaamin ah oo ka dhacay maanta magaalada Beledweyne.
Weerarka oo lagu qaaday Baar ay dadweyne badan ku sugnaayeen ayaa dhaliyay xaalad amni oo kacsan, waxaan goobta laga helay jidka is-miidaamiyaha oo go’go’day.
Dadka ku dhaawacmay qaraxa waxaa ka mida saddex wariye ah oo u shaqeynayay TV kala ah Jubbaland, Saab, iyo RTN, waxaana la sheegay in dhaawac culus uu soo gaaray wariye C/llaahi Cismaan Macalin oo ka tirsan TV Jubbaland.
SAWIRRADA