Thursday, June 26, 2025

SAWIRRO: Ra’iisal wasaaraha Itoobiya oo ka badbaaday Qarax ka dhacay fagaare ku yaalla Adis Ababa

Ra’iisal wasaaraha cusub ee dalka Itoobiya Abiy Ahmed ayaa ka badbaaday saaka Qarax ka dhacay  fagaaraha  Meskel Square ee magaalada Adis ababa, halkasoo uu kumanaan qof kula hadlay.

Ciidamada amniga ayaa isku xeeray Ra’iisal wasaaraha kadib qaraxa oo aanay waxba ka soo gaarin, waxaana degdeg looga kaxeeyay goobta, iyado ay isku isku wareejiyeen ciidamada, wuxuuna qaraxa dhacay wax yar kadib markii uu khudbadiisii dhammeystay.

Saxaafadda Itoobiya ayaa sheegtay in dhowr qof ku dhaawacmeen qaraxa, iyadoo xaaladda ay isku bedeshay mid qasan. Qaraxa ayay saraakiisha booliska sheegeen inuu ahaa mid yar oo kaliya dhaliyey dhaawacyo fudud.

HOOS KA DAAWO SAWIRRADA FAGAARAHA INTII AANU QARAXU DHICIN

DAAWO SAWIRRO QARAXA KADIB

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON