Wafdigii uu hoggaaminyey madaxweynaha Soomaalya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa xalay gaaray magaalada Ankara ee dalka Turkiga, halkaasoo ay ku soo dhoweeyeen wasiiro ka tirsan xukuumadda Turkiga.
Madaxweyne Farmaajo iyo wafdigiisa ayay booqasho shaqo uga bilaabatay dalkaasi, iyadoo lagu casuumay furitaanka shirweynaha xisbiga AK party ee talada hayaoo maanta ka furmaya, wuxuuna ka mid yahay madax lagu casuumay shirkaasi oo taageero u muujineya dowladda Turkiga.
Xubno ay horkaceyso Wasiirka ganacsiga dalka Turkiga haweeneyda lagu magacaabo Ruhsar Pekcan ayaa garoonka Ankara ku soo dhoweeyay wafdiga madaxweynaah Soomaaliya.
DAAWO SAWIRRO