Wednesday, June 25, 2025

SAWIRRO: Wasiiro Magaalada Beledweyne geeyay gurmad daawo ah, kana soo laabtay Garoonka

Wasiirka Amniga Gudaha C/risaaq Cumar Maxamed  iyo Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Caafimaadka Xukumadda Soomaaliya Maxamed Xaaji Cabdinuur (Madeer) ayaa maanta socdaal gaaban kugaaray Magaalada Baledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Labada wasiir ayaa la socday diyaarad yar oo Daawo u siday Isbitaalada magaalada Beledweyne, waxayna daawadaasi oo ka koobneyd 200 kartoon  oo ay ku jiraan 10000 Faleebo ku wareejiyeen maamulka Gobolka Hiiraan, kadibna waxay kasoo laabteen garoonka Beledweyne iyadoo dib ugu noqday magaalada Muqdisho.

Wasiiradda ayaa garoonka diyaaradaha Baledweyne ee Ugaas Khaliif saxaafadda kula hadlay ayaa sheegay  in Daawada  loogu talogalay  dadka Shuban biyoodu soo ritay ee magaalada Beledweyne.

Dowladda Soomaaliya ayaa lagu dhaliilay inay si weyn uga gaabiyeen gurmadka Magaalada Baledweyne oo uu ka dilaacay Shuban biyoodka, iyadoo dad u dhinteen.

DAAWO SAWIRRO

Wasiiro-beledweyne1

Wasiiro-beledweyne2

Wasiiro-beledweyne3

Wasiiro-beledweyne

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON