Thursday, June 26, 2025

SAWIRRO: Xildhibaannada labada Gole oo kulamo kala gaara la yeeshay Madaxda Galmudug

Xildhibaanno ka tirsan labada aqal ee kasoo jeeda degaanada Galmudug oo maanta tegay magaalada Cadaado ayaa kulamo kala gaara la yeeshay Madaxda is khilaafsan ee maamulkaasi.

Kulanka hore waxay xildhibaannada la qaateen madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle (Xaaf) iyagoo ka wareystay xaaladda khlaafka iyo sida uu doonayo in xal looga gaaro, waxayna su’aalo ka weydiiyaan dhibaatada ka dhex taagan isaga, ku xigeenkiisa iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka.

Kulan labaad ayaa isla madaxtooyada Galmudug ay kula yeeshaan madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Caashi Carrabey, guddoomiyaha Baarlamaanka Cali Gacal Casir iyo Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka.

Kulanka ayaa sidoo kale xildhibaannada laba aqal warbixin ka dhageysteen  madaxweyne ku xigeenka iyo guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug oo faahfaahin ka bixiyay xaaladda ay ku jiraan iyo tacadiga loo geystay.

Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay in kulamadii ay la qaateen madaxda Galmudug ee shanta ah, ay ku soo dhamaadeen si wanaagsan, isagoo sheegay in loo ballamay kulamo kale oo halka ay noo joogto laga sii wadayo.

Kulamada ayaa ka sii socon doona magaalada Cadaado, waxaana la sheegay in xildhibaannada tegay Cadaado ay u badnaayeen hal dhinac, taasoo shaki ku keentay inay xaaladda dhexdhexaad ka noqon karaan ama xal u heli karaan.

SAWIRRO

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON