Saxiixayaasha Heshiiska labaad ee Doorashada Soomaaliya ayaa kulan maanta la yeeshay wakiilada Beesha Caalamka u jooga Soomaaliya.
Saxiixayaasha oo kala ah: Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble, Madaxda Dowlad Goboleedyada, Puntland, Jubbaland, Koonfur Galbeed, Hirshabelle, Galmudug iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa kulan la qaatay ayaa Wakiilada Beesha Caalamka hordhigay jadwalka hirgelinta doorashada iyo taageerada dhaqaale ee loo baahan yahay.
Maxamed Xuseen Rooble ayaa wakiilada Beesha Caalamka uga warbixiyey heshiiskii Doorashada iyo sida ay doonayaan inay dalka uga dhado doorasho xor iyo xalaal ah, iyo caqabadaha ku hor gudban sidii looga gudbi lahaa.
Doorashada Federaalka ayaa waxaa ku baxaya dhaqaale badan oo laga rabo inay bixiso Beesha caalamka, waxaana rajo laga qabaa in ilaa 10 Milyan oo Dollar laga helo Qaramada Midoobay, Mareykanka, UK iyo dalalka Midowga Yurub.
Wakiilada Beesha Caalamka u jooga Soomaaliya oo ogaadiyay heshiiskii ayaa dhinaca kalebalan qaaday inay taageerayaan dhaqan gelinta heshiiska doorashooyinka ee la saxiixay.



