Xubnahaha isbedel doonka Jubbaland oo shir ku yeeshay magaalada Kismaayo ayaa digniin u diray Madaxweynaha Puntland, madaxweynayaashii hore ee Somalia iyo siyaasiyiinta dooneysa inay Kismaayo u tagaan caleemo saarka Axmed Madoobe.
Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xidig iyo Cabdinaasir Seeraar Maax oo labadooduba sheegtay xilal madaxweyne iyo xubno kale ayaa magaalada Kismaayo ka sheegay in madaxweynaha Puntland iyo siyaasiyiinta kale ee la safan Axmed Madoobe ujeedkoodu yahay inay olole doorasho ka galaan Kismaayo oo xaalad halis ah ka jirto, waxayna uga digeen inaysan horseedin dagaal ka dhaca magaaladaasi.
Kulanka oo kooxaha Isbedeldoonka oo sidoo kale ahaa duco loo sameeyay Naabadoon Axmed Jaamac Qalyar oo soo noqday guddoomiyaha Isbahesiga isbedel doonka Jubbaland oo Muqdisho ugu geeriyooday dhaawac loogu geystay magaalada Kismaayo ayaa sheegay inay wax laga xumaado tahay faragelinta siyaasiyiinta Soomaalida ku hayaan arrimah Jubbaland, iyagoo ka dhigtay xarun ay siyaasad ahaan kala dagaalamaan dowladda Federaalka.
Xildhibaan Cabdirashiid Xidig ayaa sheegay ayaa baaqay garabka Axmed Madoobe inuu ka waantoobo sida uu dilka iyo caga jogleynta ay ku hayaan shacabka reer Jubbaland, wuxuuna dhinaca kale ku eedeeyay madaxweynayaashii hore ee dalka in ay doonayaan in sanadka Doorashada 2020/21 ay ololaheeda ka bilaabaan degaanada maamulka Jubbaland.
“Waxaa jira dad siyaasiyiin Soomaaliyeed oo u soo hanqal taagaya colaada Kismaayo iyo Jubbaland inay huriyaan, waxaa ka mid ah Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya oo aad moodo in is bedel inay halkan kaga ololeeyaan waa nasiib darro in halkan looga ciyaaro banooni oo Soomaaliya laga burburiyo, ma ogolaaneyno waa diidnay in Kismaayo noqoto goob laga duulo”ayuu yiri C/naasir Seeraar.
C/naasir Seeraar ayaa ugu baaqay madaxda Puntland iyo siyaasiyiinta kale inay xaaladda Jubbaland uga sii darin oo aysan horseedin dagaal iyo hurin colaadeed.