Senatooro ka tirsan Aqalka Sare oo taageersan Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho, iyagoo ka hor yimid qoraal maanta kasoo baxay guddoomiyaha Aqalka Sare.
Senatooradan oo uu ka dhex muuqday C/waaxid Cilmi Goonjeex oo dhowaanahan waday mooshin ka dhan ah guddoomiyaha Aqalka Sare ayaa sheegay inaysan jirin wax laga bedelay xeerarkii dhammeystirka Doorashada oo gef ku ah Aqalka Sare, warka kasoo baxay guddoomiyaha Aqalka Sare-na uu yahay mid aan sax ahayn.
Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi C/llaahi ayaa soo bandhigay labada qoraallada xeerkii labada Guddi ee ay soo diyaariyeen, xeerarka loo qeybiyey xildhibaannada Golaha Shacabka iyo meelaha laga bedelay oo u badan in meesha laga saaray doorkii Aqalka Sare.
C/waaxid Goonjeex ayaa sheegay inay ka xun yihiin warqadda kasoo baxday Guddoomiyaha Aqalka Sare, wuxuuna intaas ku daray inay warqadda carqalad ku tahay howshii socotay ee arrimaha doorashada.
Senatoorada taageersan Madaxweyne Farmaajo oo gaaraya 7 ilaa 10 senator ayaa dhowaan kulan la yeeshay Madaxweynaha iyagoo kala hadlay sababta uu shirka ugu yeeray Madaxda dowlad Goboleedyada, isagoo u sheegay inuu kaliya kala hadlayo arrimaha Amniga.

Waa markii labaad ee Xubmaha ay saxaafadda la hadlaan iyagoo daba socda qoraal iyo go’aano kasoo baxay Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi C/llaahi.