Senator Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid) ayaa shir jaraa’id oo uu qabtay goor dhoweyd uga digay Baarlamaanka inuu kusii socdo muddo kordhintii hore.
Wuxuu marka hore ka hadlay sida ay madaxda dowlad Goboleedyada Galmudug iyo Hirshabeelle iyo Ra’iisal wasaaraha isula qaateen in laga noqdo muddo kororsigii keenay qalalaasaha, kadibna uu taageeray Maxamed C/llaahi Farmaajo.
Golaha Shacabka ayuu uga digay in haddii ay wadaan mudo kororsi ay ka waantoobaan, arrintaasina ay tahay JID XIRAN, mar hadii muddo kororsiga uu keenay dhibaatadii Xamar ka dhacday, dhammaana laga wada hor yimid.
– Aqalka hoose oo laga cabsi qabo inuu Mooshin ku rido RW Rooble
“Haddii kulanka Golaha shacabka uu yahay mid lagu carqaleynayo in lagu laabto heshiiskii doorashadii 17-ka September, waan uga digayaa guddoonka Baarlamaanka, haddii ay taas dhacdo wixii ka yimaado iyagaa qaadi doona… Wixii dhacay 12-ka April ayaa keenay inay dad u dhintaan, dadka u barakacaan.. waxaana rajeynayaa inaan arrintasi lagu celin..” ayuu yiri Cabdi Qeybdiid oo farriin u diray guddoonka iyo xildhibaannada Golaha shacabka.
Cabdi Qeybdiid wuxuu dalbaday in la joojiyo abaabulka ciidamada ee weli ka socda Muqdisho oo uu sheegay inaan loo baahneyn mar haddii xaaladii keentay laga gudbay, loona baahan yahay in ciidaada ay dib ugu laabteen xerooyinkoodii.