Xubin ka mida guddiga Doorashada madaxweynaha Soomaaliya ee labada Gole ayaa qarka u saaran in laga saaro Guddiga Doorashada kadib markii ay dacwad ka dhan ah ka qoreen musharixiin badan.
16 Musharax oo ku shiray galabta Hotelka Jazeera ee magaalada Muqdisho ayaa qoraalo dacwad ah u kala diray Guddiga Doorashada iyo labada Guddoon ee Aqalada Baarlamaanka, waxayna dalbadeen in xildhibaan C/llaahi Sheekh Ismaaciil laga saaro Guddiga Doorashada.
Mushrixiinta ayaa ku eedeeyay Gen. C/llaahi Fartaag inuusan dhexdhexaad ahayn, iyagoo soo xigtay hadalkii uu ka jeediyay xaflad lagu taageerayay musharax Xasan Sheekh Maxamuud oo dhowaan ka dhacday magaalada Muqdisho.
Xildhibaan Fartaag si buuxda u taageeray in dib lo doorto Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuuna sheegay in qof cusub aanu la qabsan karin xilka, isla markaana dib u dhac weyn ku keenayo howlihii socday ee dowladnimo.
Ilo ku dhow Guddiga Doorashada ayaa sheegay in horeba ay arrintaasi ugala hadleen xildhibaanka, isla markaana ay go’aan ka qaadan doonaan, waxayna wararku sheegayaan in Gen. Fartaag ay mashruuc ka dhigteen musharixiinta ku kacsan Xasan Sheekh, lagana yaabo in shaqada guddiga laga fariisiyo.
Goobjooge.com