Wednesday, June 25, 2025

Senator Muuse Suudi: “Madaxweynaha qabiil ahaan uma necbi ee shaqo ahaan ayaan u nacay markii uu yiri..” (Daawo)

Senator Muuse Suudi Yalaxow ayaa sheegay inuusan qabiil ahaan u necbeyn Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, balse uu nacay shaqadiisa.

Isagoo maanta ka hadlayey fadhigii Aqalka Sare ee Baarlamaanka oo looga dooday sharci ku saabsan howlgabka ciidamada Qalabka sida ayuu sheegay in laga fiirsado saraakiisha howlgabka laga dhigayo, isagoo soo hadal qaaday inuu ka quustay Madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha.

“Aniga Madaxweynaha qabiil ahaan uma necbi… laakiin shaqo ahaan ayaan u necbahay… maalintii uu yimid Madaxtooyada oo xilka lagu wareejinaayey… ciidan ayaa u safnaa oo salaan uu ka qaatay.. roog cas ayaa loo dhigay … isagoo xilka lagu wareejinayey ayuu yiri: Dowladii Kacaanka iyo Aniga dowlad nooma dhaxeyn… kalmadaas uu yiri ayaan uga quustay…” ayuu yiri Muuse Suudi Yalaxow oo hore uga mid ahaa wasiiradii dowladii C/llaahi Yuusuf iyo hoggaamiye kooxeedyadii Magaalada Muqdisho.

Muuse Suudi ayaa sidoo kale ka hadlay waxa dhex maray isaga Ra’iisal wasaaraha markii xilka loo magacaabay oo uu meermeeriyey, sidaasina uu uga haray madaxda sare ee dowladda hadda jirta.

HOOS KA DAAWO

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON